Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigtay rag Hargeysa ku samaynayey baasaaboorka Soomaaliya

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay rag lagu qabtay ,iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku sameynaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda  Somaliland.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay galeen goob lagu sameynaayay Baasaboorka Soomaaliga, waxaana ay soo qabtay Shan nin oo ka shaqeynaysay.

Xukuumada Somaliland wali kama hadlin talaabada ay ciidamada boolisku ku soo qabteen ragaan ku eedaysan inay baasaaboorka soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa.

Degaanada Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah in lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliga,maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *