Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay London

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Warbaahinta dalka Ingariiska ayaa sheegtay in saacaddihii lasoo dhaafay Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingariiska lagu dilay labo dhalinyaro Soomaaliyeed.

Sidda ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska dhalinyaradda ayaa dilkooda waxaa loo adeegsaday Toorey xilli ay maraayeen Bartamaha magaalada London.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano sababaha ka dambeeyay dilka wiilasha Soomaaliyeed

Waxaa  lagu kala magacaabo jirey dhalinyaradda la dilay  Cusman Shidane oo 20-jir ah iyo C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah.

Sarkaal ka tirsan Booliska London ayaa sheegay in dhalinyaradda la dilay ay muddo dheer ay deganaayeen Magaalada London ee Caasimadda UK.

Waxaa kordhay Bilihii lasoo dhaafay dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada London.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *