Dowlada Turkiga Oo Si Kulul U Cambaaraysay Qarixii Shalay Ka Dhacay Muqdisho Mall

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan qarixii gaariga ee shalalay lala beegsaday Suuqa laga dukaamaysto ee Muqdishu Mall ee Degmadda Xamar Weyne ee magaalladda Muqdisho.

Qoraalka waxaa lagu xusay inay Turkiga si xooggan u cambaareynayaan weerarkaas laga argagaxay, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinac kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay tacssi u dirtay Dowladda Federalka iyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxii shalay ka dhacay Xarunta laga dukaamaysto ee Mogadishu Mall.

Sidoo kale, waxay  dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeen inay ka bogsadaan dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxaasi.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaasi, halka 9 kalena ku dhawaacmeen, kuwaasi oo lagu daaweynayo qaar ka mid ah Isbitaalladda Takhasusiga ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *