Muwaadin Soomaali Loo Heysto Weerarkii Nairobi

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi waxay shalay amartay in muddo 30-maalmood la sii hayo Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabo Yacquub Ciise Axmed, kaasi oo ay Maxkamaddu sheegtay inay suurtagal tahay inuu xiriir la lahaa  Cali Saalim Gijunge oo ka mid ahaa  Dagaalamayaashii Al-Shabaab ee  fuliyey weerarkii bartamihii bishii hore lagu qaaday Hotelka Dusit ee Nairobi.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxay amartay in muddo 21 maalmood Xabsiga lagu sii hayo 5 Eedeysane oo laga soo qabtay Degmadda Mandheera, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Xasan, Xasan Sheekh, Mire C/llaahi, Cali Isaaq Axmed iyo Yuusuf Mowliid Xamed,

Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeynayaa inay u fududeeyeen xaaska Cali Saalim Gijunge oo lagu magacaabo Fiyolet Kemunto inay u soo gudubto gudaha dalka Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *