Howlgal Culus Oo Lagu Dhawaaqay In Caawa Uu Ka Bilowday Muqdisho

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa Caawa shaaciyay in Magaalada Muqdisho uu ka bilowday howlgalo culus,kadib markii mudooyinkii dambe ay ka dhaceen falal amni daro

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan inta uu socdo dadka shacabka loo baahan yahay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga,isla markaana dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay guri guri u baari doonaan si loo xaqiijiyo amniga,isagoo shacabka ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan inta uu howlgalkaas socdo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Eng Yariisow in Wadooyinka qaar ay la xiri doonaa inta howlgalka socdo,hayeeshee dadka xanuunsana maamulka Gobolka Banaadir uu u diyaariyey gaadiid gurmad deg deg ah oo lagu qaadi doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *