Guddi loo saaray sugida Amniga Magalada Muqdisho

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 –Kulan saacado badan qaatay ayaa Mogdisho dhacay, waxaana si deg deg ah isugu yimid golaha Wasiirada, si gaar ah waxa ay uga doodayeen amniga guud ee dalka, iyadoona ay diirada saareen kan Mogdisho.

Amniga Mogdisho ayaa u muuqda mid aan wanaagsaneen maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ay dhaceen todobaadkii tagay dhowr qarax oo ay ku dhinteen, dad badan halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Inta uu kulanka socday waxa ay Wasiiradu si aad ah uga doodeen sida xalka loogu heli karo ammaanka, waxaana markii dambe loo saaray guddi laga dhex xulay golaha wasiirada.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud ayaa kulanka kadib Warbaahinta u sharaxay qodobadii kasoo abxay shirkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *