Sawirro:-Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Gaadiidleyda BL-Ka Oo Kulan Yeeshay

Muqdisho | QOL | April 15, 2019 –Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddiga gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa Ujeedkiisa waxa uu ahaa Xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gaadidka BL-ka eek a shaqeysa Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay guddiga Bl-ka howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u haayaan iyo sida ay uga qeyb qaataan horumarka Caasimadda, Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay gudiga gaadiidka BL-ka in ay kaalin ka qaatan nabad galyada iyo ilaalinta sharuucda isticmaalka wadooyinka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa,iyadoo saakay Ex Koontarool ee Magaalada Muqdisho ay banaanbax ka dhigeen qaar kamid ah Darawallada gaadiidka BL-ka,isla markana ka cabanayay Wadooyinka xiran ee Muqdisho,iyadoona sheegay inay ay bixiyaan lacagta Canshuurta laga qaado.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *