Wasiirka Maaliyadda Hir-Shabeelle oo ku hanjabay in uu xilka ka tagayo

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–Wasiirka Wasaaradda Maalyadda Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdulle Maxamuud oo ku sugan magaalada Balad wayne ee xarunta gobalkaHhiiraan ayaa waxa uu sheegay in magaalada balad wayne ay kusoo celinayaan isticmaalka lacagaha shilin soomaaliga oo muddo halkaasi aanan laga isticmaalin.

 

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in xilka uu isaga taaayo hadii uu lacagaha shilin Soomaaliga isticmaalkeeda u soo celin waayo dadka kunool maagalada balad wayne .

 

 

Waxa uu shegay in ay doonaayaan maamulka Hirshabeelle in ay sideedii hore ay kusoo laabaato nolosha dadka kunool magaaladaasi , maamulkoodana ay lacagaha canshuurta ah ku qaadayaan lacagta Shilin Soomaaliga .

 

Dadka kunool magaalada Balad wayne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaanan mudo kudhaw laba sano isticmaalinn lacagta Shilin Soomaaliga ah,balse badalkeeda ayay mudadaasi isticmaalayeen lacagta doolarka iyo Evc-Pluska.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *