SAWIRO: Wafdi ay Hoggaaminayaan Cabdikariin Guuleed iyo Shariif Xasan oo gaaray Kismaayo

Muqdisho | QOL | October 05, -2019 —Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed  iyo Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay magaalada Kismaayo, diyaaradda ay la socdeen ayaa toos uga timid Nairobi.

Wafdiga Guuleed iyo Shariif ayaa waxaa ka mid ah ahaa ku dhawaad 30 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland.

Siyaasiyiintaan ayaa ka qeyb gali doona Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dhaceysa 9 Bishaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *