SAWIRO:-Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmayo Baydhabo

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   –Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Abukar Zubayr ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalado Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

 

Wafdigan oo ka kooban agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Fedeeaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

 

U jeedka wafdiga ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi Maalinta Berito ah uu uga furmi doono Shir ku saabsan arrimaha dastuurka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *