Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Magaalada Geneva kula kulmay Axel van Trotsenburg

Mogadisho  –December 18, 2019 | QOL |   –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

 

Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

 

 

 

Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *