Soomaaliland oo ka hadashay Arday la rasaaseeyey

Mogadisho  –December 30–2019 | —Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa si kulul uga hadlay saddex Arday oo uu sheegay in lagu dhaawacay deegaanka Middi-gale oo ka tirsan Magaalada Badhan.

 

Ardayda dhaawacantay ayaa waxaa ay kamid ahaayeen dad dhigayey banaanbax ay uga soo horjeedaan Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku wajahnaa Magaaladaas,waxaana rasaas ku furey ilaalada Guddoomiyaha.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in Ardayda  oo midkood dhaawaciisu uu yahay mid  culus ay dhaawaceen Dad aan Somaliland aheyn,isla markaana dhaawacyada Aerdayda loo qaaday Isbitaallada Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo.

 

Wasiirka ma sheegin dadka dhaawacay ardayda iyo sababta loo dhaawacay,hayeeshee uu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan arrintaas.

 

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *