Madaxweynaha Jabuuti Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Ka Tegay Masqad

Mogadisho  –January 13, 2020—Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Masqad ee Caasimadda dalka Cummaan, iyadoo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Geelle iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya tacsida Qaran ee loo sameeynayo Suldaankii Cummaan oo maalmo kahor geeriyooday, kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan Qaabuus Bin Saciid.

Sidoo kale Magaalada Masqad ayaa waxaa kusii qul-quleysa Madax ka socota Dalalka Islaamka, kuwaasi oo ka qeyb galaya tacsida Qaran ee Suldaan Qaabuus Bin Saciid.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamid ah Madaxda tageysa Masqad, waxaana saacado kahor uu ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *