Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Cumaan

Mogadisho  –January 13, 2020—Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow u ambabaxay Magaalada Joordan ee Caasimadda dalka Cummaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa waxaa tahay ka qeyb galka tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda aan walaalaha nahay ee Cummaan.

Allaha u naxariistee maalmo kahor waxaa geeriyooday Suldaankii Cummaan oo lagu magacaabi jiray Suldaan Qaabuus Bil Saciid, waxaana lagu wadaa in dalkaas ay gaaraan Madax kale oo ka qeyb galeysa tacsida qaran ee Suldaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *