Tirada dadka ku dhintay Koonfur Afrika oo garay 100 qof

.

Arbaco: July 14, 2021

Tirada dhimashada rabshadaha Koonfur Afrika ayaa sii kordhaysa, waxayna gaadhay illaa 72 qof oo ku geeriyooday rabshadaha weli sii socda, siina baahaya.

Waxaa ka mid ah 10 qof oo ka mid ahaa kuwii wax boobayay oo ku dhintay is buurasho ka dhacday xaafadda Soweto, halkaas oo dadka ay boobayeen meherado ku yaala goob ganacsi oo weyn oo halkaas ku taala.

Rabshadaha ayaa biloowday kadib markii xabsi 15 bilood ah loo direy madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma sababo la xiriira in uu ku amar diideeyay maxkamad ku wargalisay in uu soo hor istaago.

Ciidamada militariga ee SADF ayaa lagu daadgureeyay magaalooyinka si ay garab u siiyaan ciidamada booliiska oo iyaga ay ka tan bateen waxyaabaha dhacaya. Hase yeeshee dastuurka dalkaasi militariga ma siinayo awoodda ah in ay xirxiraan dadka boobka geysanaya, kaliya waa ay ka hortagi karaan burburinta hantida.

Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa ayaa ku baaqay in xaaladda la dajiyo, xilli dalkaas uu wajahayo rabshadihii ugu xumaa tan iyo sanadihii 1990-naadkii, xilligaas oo dad badan ay ku dhinteen dagaalo dhex maray qoowmiyadaha sanado yar ka hor intii uusan dalkaasi helin xornimada.

Wasiiradda dalkaas ayaa sheegay in haddii boobka sii socdo in ay gabaabsi noqon doonaan ama dhammaan doonaan cuntooyinka daruuriga ah.

Magaalada Durban dhisme dab la qabadsiiyay ayay BBC-du duubtay hooyo ilmaheeda kasoo tuureysa dabaq, si ay uga badbaadiso dabka, iyada oo dad hoosta taagnaa ay qabteen ilmihii yaraa.

Wax ka badan 200 oo dhismayaasha waaweyn ee laga dukaamaysto oo ay meherado badan ku yaalaan ayaa la boobay sida ay faafisay shabakada Bloomberg ee arrimaha dhaqaalaha ka faaloota.

.

Office Nairobi Kenya