Wasiiradaha Xamsa Saciid iyo Khadiija Max’ed Diiriye oo Weerar afka ah ku dhex maray baraha Bulshada.

Arbaco: July 14, 2021

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay wasaaradda marki uu la wareegayey iney lahayn xafiis lagu shaqeeyo.

Wasiirka wuxuu sheegay wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen.

Marki aan weydiiyey halka lagu shaqeeyana waxaa la ii sheegay ayuu yiri iney wasaaraddu lahayn xaruun ay ku shaqeyso shirarkana lagu qabto huteellada iyo xaafadaha.

“Muddo seddex bilood waxayigu qaadatay wasaarada inaan dejiyo, xafiis u raadiyo, shaqalaha howlgeliyo si wasaaraddu shaqadeeda ay u qabsato” ayuu yiri wasiirku.

Dhanka kale Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya, Khadiija Max’ed Diiriye, ayaa jawaab ka bixisay hadalka Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Xamsa Saciid Xamsa.

Wasiiradda oo qoraal kooban soo dhigaty boggeeda Facebook waxay tiri: “Wasiir Xildhibaan Xamse Xusuuso haddad xis-leedahay Abboowe”.

Iyada oo qoraalkaasi kooban ee ay ugu jawaabeyso Wasiir Xamse soo raacisay Khudbad ay wasiirad Khadiijo jeedisay xilli ay xil wareejin dhaceysay.

.

Office Nairobi Kenya