Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo dhawaan soo saaray wareegto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal

Khamikis: July 29 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee  Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dhawaan soo saaray wareegto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Ciidamadda la dalacsiiyay ayaa ka tirsan Milateriga gaarka ah ee Gor-Gor waxayna u badanyihiin kuwa ka howgalayay gobolka Gedo  iyo ciidamaddii Muqdisho kula dagaalamay ciidankii ka hor yimid muddo kororsigii  madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dalacsiiyo saraakiil kale oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Wareegtada lagu dalacsiiyay Saraakiishaan ayaa xafiiska MW Farmaajo laga soo saaray 1-dii bishaan, iyadoo 5-tii bishaana uu faafiyay taliyaha Milateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Office Nairobi Kenya