Jarmalka oo gacanta ku dhigay afar ruux oo weeraro ka fulin rabay magaalada Sunagog ee dalkaasi


Sabti: September 18, 2021

Booliiska dalka Jarmalka ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo  eedeysan in ay weeraro ka fulin rabeen magaalada Sunagog ee dalkaasi.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ay xireen Wiil 16 jir ah oo u dhashay dalka Siiriya iyo saddex kale, kadib markii lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Islaamiyiinta.

Saraakiisha  waxay sheegeen inay heleen “tilmaam aad u culus oo la taaban karo” oo ku saabsan qorshe lagu weerarayo sunagogga Hagen ee xafladda Yuhuudda ee Yom Kippur.

Booliiska ayaa tan iyo Arbacadii ku hareeraysnaa dhismaha ay deganaayeen raggaan, iyagoo barayay dhammaan gurigaasi.

Office Nairobi Kenya