Wasaarada Ammniga oo Ciidamo dheeraad ah gaysay Garoonka Muqdisho iyo Ciidamo ka amar qaata Villa Somaliya

Sabti: September 18, 2021

Wararka ka imaanaya aaga garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay lagu arkayay halkaas Ciidamo dheeraad ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamadaas ay ka kala amar qataan Villa Soomaaliya iyo wasaarada Ammniga, waxaana lagu arkayaa aaga isgoyska Km4.

Sidoo kale Ciidamo ka amar qaata wasiirka amniga qaranka C/llaahi Nuur ayaa xalay ilaa saakay magaalada Muqdisho ka waday Muqdisho, waxaana Ciidamada ka amar qata Villa Somaliya lagu arkayaa ayagana wadooyinka Muqdisho.

Office Nairobi Kenya