Ku dhawad 500 oo bajaaj ayey xireen ciidamada ammaanka ee waddooyinka ee Taraafikada deegaanka Soomaalida Itoobiya


Talaado: November 30, 2021

 In ka badan 500 oo bajaaj, ayey xireen ciidamada ammaanka ee waddooyinka ee Taraafikada, ee deegaanka Soomaalida Itoobiya maalmihii lasoo dhaafey.

Ciidamada Taraafikada ayaa sheegay in inta badan darawalada Bajaajta magaalada Jigjiga aaney heysan ruqsadda darawalnimo, iyo document-yada kale ee Bajaajta.

Arrintan ayaa waxey sababtey in bajaaj badan lagu xareeyo dhul bannaan oo ay dowladdu leedahay. Hase yeeshee waxaa jira dad ku doodaya in Bajaaj cusub, oo ay markaa soo iibsadeen in laga xareeyey.

Dad badan ayaa bajaajtoodii markii laga xareeyey, u aawey qoysaskii lacago ay ku dabaraan nolol maalmeed kooda.

Office Nairobi Kenya