Ra’isul Wasaare Rooble oo isbitaalka ku Booqday Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Macallimuu QOL Contributor January 17, 2022 Posted in WARARKA MAANTA Share: XFacebookPinterestLinkedin . Isniin: January 17, 2022 Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax argagixisadu la beegsadeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda. Office Nairobi Kenya Author: QOL Contributor