Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah furtay Tababar ku saabsan daryeelka araga

Axad: February 12, 2022

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelk Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  daahfurtay tababar aad u sareeyo oo ku saabsan Dayeeeelka Caafimaadka aas-aasiga ah ee araga (Primary Eye Care) .

Tababarkaan ayaa waxaa ka faa’ideysan doona 60 xirfadlayaal Caafimaaad  ee ka howl galo xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Banadir . Tababarka oo socon doona muddo Lix cisho ah.

Waxaa gacan weyn ka geystay taabagalinta tababarka Bankiga Hormarinta Islaamka (IsDB ) iyo Hay’adda AIDA.

Office Nairobi Kenya