Ahlusunna oo dhalinyaro xukunno ku riday

gal gaduud | QOL | May  21, 2017 –—Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Ahlu Sunna ayaa xukuno ku riday 4 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Dadkaan xukunnada lagu riday ayaa Ciidamada maamulka Ahlusunna waxa ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Magaalooyinka Guraceel iyo Dhuusamareeb.

Afhayeenka Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe, C/nuur Maxamed Xuseen oo warbaainta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi xukuno lagu riday.

Magacyadda dadka la xukumay ayaa kala ah:

C/qaadir Barre Xaashi Faarax 26 jir, laba sano oo xabsi ah
C/raxmaan Diiriye Cabdulle Dhiblaawe 27 jir, laba sano oo xabsi ah
Xasan Cabdi Xaashi Carab 29 jir, laba sano oo xabsi ah
C/xafiid Xasan Muxamed Beyle 31 jir, laba sano oo xabsi ah

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *