Qaar kamid ah Musharrixiinta Galmudug oo diiday Guddiga Farsamada Galmudug

Muqdisho | QOL | October12 -2019 —Qaar kamid ah Musharrixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa war ka soo saaray Guddiga ka shaqeenaya dhismaha Maamulka Galmudug ee dhawaan la magacaabay.

 

Musharaxiinta ayaa sheegay in Guddiga dowladda Soomaaliya ay Magacowday ay yihiin Shaqaallaha Rayidka ah ee dowladda, islamarkaana aysan jirin wax wadatashi ah oo laga siiyay Waxgaradka Galmudug.

 

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in xubnaha Guddiga ay ku jiraan shaqsiyaad la shaqeynaayay Musharax Qoor Qoor oo ka mid ah Musharaxiinta Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *